KHATARTA CUDURKA KORONA WELI WEY JIRTAA EE ISKA ILAALI
Ma doonaysaa inaad hesho xog sax ah, oo la xiriirta xanuunka safmarka ah ee COVID-19?
Ku xirnow aalada WhatsApp-ka ee dhawaan la daah-furay oo ay hubiyeen xirfadlayaasha caafimaadku.
Fadlan usoodir erayga ‘Somali’ +27634444350 si aad u hesho xogta.Si aad macluumaad dheeri ah uga hesho kooxda ka dambeysa sameynta BOT-ka
BEDQAB IYO MAAMUUS
Habraaca duugista dadka u dhinta COVID-19
Si deggan u diyaar garow, balse ha cabsan
Waxaan halkan ku soo gudbineynaa jawaabaha su’aalaha inta badan la iska weydiiyo Fayraska Corona, kuwaasi oo ku saleysan tashiyo lala sameeyay khubaro kala duwan oo ka kala socda machadyo sare iyo xogo laga helay hagayaasha Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Xarunta Ka-hor- tagga Cudurrrada ee Mareykanka (CDC), iwm
Sidee dilaa u yahay Coronavirus?
Cornonavirus “aad buu faafaa, laakiin dhima- shadiisu way yar tahay”
Heerka dhimashadu waxay u dhaxeysaa 2-3%. Aad bay uga yar tahay dhimashada cudurradii horay u dillaacay sida SARS oo dillaacay 2003 oo heerka dhimashadiisu ahayd 10% ama MERS oo dillaacay 2012 oo dhimashadiisu ahayd 35%.
Khatarta dhimashadu waxay kaliya sarreysaa dadka da’da ah (wixii ka sarreeya da’da 60 sano) iyo dadka xaaladaha kale ee caafimaad leh.
Haddaba maxay tahay cabsida badani?
Waxay tahay cabsida ugu badan ee cudurkan laga qabo iya- doo aysan jirin xaqiiqooyin la hubo oo cudurkan ku saabsan iyo wararka been-abuurka ayaa abuuray argagaxan. Arrin- ta ugu muhiimsan waa marka uu Fayraska cusub yahay, ma ogaan karno sida uu dadka u saameyn karo.
Miyaan dhimanayaa haddii uu cudurkani igu dhaco?!
Maya.
Ku dhowaad 80% dadku waxay muujiyaan astaamo fudud oo cudurka ah, wayna ka bogsadaan cudurka laba toddo- baad gudahood.
Astaamaha inta badan waa la daaweyn karaa haddii daryeel caafimaad dhaqso lala gaaro.
Sidoo kale carruurtu halis miyay ugu jiraan Fayraska corona?
COVID-19 wuxuu u egyahay mid aad ugu yar, uguna fudud carruurta.
Xanuunnada uu keeno coronavirus way fudud yihiin guud ahaan, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada
Kaliya in ka yara badan 2% inta laga helay cudurkan ayaa ka yar da’da 18 sano.
Tiradaasi, in ka yar 3% ayaa laga helay astaamo halis ah ama daran.
Yaa u xanuunsada, sideese loo xanuun- sadaa?
Dadka da’da ah waxay laba jeer u badan tahay in ay qaadaan xanuunka daran ee COVID-19.
Tirada
Aduunka
Soomaali
Guud Ee Kiiska la xaqiijiyey
231,555,985
0
Bukaanada Soo kabtay
0
0
Dhimashada
4,743,196
0
Haddaba, waa sidee sida saxda ah ee uu ku faafo Coronavirus?
Qofka qaba cudurkan wuxuu gaarsiin karaa qofka fayow.
Iyadoo uu u sii marinayo indhaha, sanka iyo afka dhibco kasoo baxaya qofka marka uu qufacayo iyo marka uu hindhisayo.
Ku dhawaanshaha qofka qaba xanuunka.
Taabashada oogada uu gaaray Fayraska, waxyaabaha, ama aaladaha gaarka loogu isticmaalo.
Xanuunka coronavirus ma laysugu gudbin karaa cuntada?
Maya.
Waayo weli lama hayo caddeyn sidaa ah.
Waayo-aragnimada laga dhaxlay Fayrasyada kale ee corona sida SARS iyo MERS waxay sheegayaan dadku inaysan isugu gudbineynin xannuunadaan dhanka cuntada.
Ma waxaa i haya corona-virus haddii aan qufacayo ama hindhisayo?
Waad ka shakin kartaa in uu ku hayo Corona- virus, kaliya haddii aad leedahay astaamaha kala ah (qandho, qufac,neefsiga oo yaraada ama ku dhiba) + mid ka mid ah astaamahan:
- Inaad safar ku tagtay goobaha uu sida ba’an u saameeyay Fayraska Corona (sida Shiinaha, Iiraan, Talyaaniga, Jamhuuriyadda Kuuriya iwm).
- Inaad xiriir dhow la yeelatay qof qaba xanuunkan.
- Booqatay xarunta caafimaad / sheybaarka lagula tacaalayo bukaannada coronavirus.
La soco waxa ay astaamahaagu yihiin.
Coronavirus waxa uu kuu keeni karaa astaamaha sida qandho, qufac, neefsiga oo yaraada. Waxa uu badanaa la mid noqon karaa qufaca caadiga ah ama hargabka waxaana laga yaabaa inuu soo muuqdo 2-14 maalmood. Sida uu u daran yahay xanuunku way ku kala duwan yihiin dadku, iyadoo qaar u ladifan yahay, qaar kalena u daran yahay.
Haddii aad dareento qandho, hargab ama dhuun xanuun, ha argagixin. Sii naftaada daryeel fiican.
1. Malinkii si uu kuu daayo caburka.
2. Biyo fiican cab, nasiino kugu filanna qaado.
3. Gacmahaaga oo aad si joogta ah u dhaqdo waxay yareyn kartaa faafitaanka Fayraska.
4. Booqo dhaqtarka haddii xaaladdu xumaato ama waqti kadib aadan ka soo reynin
5. Dawada u qaado waqtiga iyo qaabka uu dh- aqtarku kugula taliyo.
Haddii aad dareemeyso dhuun xanuun waxa ay aad ugu badan tahay inuu yahay qufac ee uusan ahayn hargab daran (flu) ama coronavirus.
Qandho | Marmar | Guud | Guud |
San-dareer | Guud | Marmar | Ma badna |
Dhuun xanuun | Guud | Marmar | Ma badna |
Qufac | Guud | Marmar | Guud |
Jir xanuun | Naadir, haddii ay dhacdo, mid fudud | Guud | Ma badna |
Neefsiga oo adag | Naadir | Guud | Guud |
HARGAB | HARGAB DARAN | CORONAVIRUS | |
---|---|---|---|
Waqtiga u dhexeeya marka uu qabanayo iyo waqtiga uu soo muujinayo astaamaha | 1-3 maalmood | 1-4 maalmood | 2-14 maalmood |
Billawga astaamaha | Tartiib-Tartiib | Dhaqsi | Tartiib-Tartiib |
Ilaa goorma ayay astaamuhu dhammaanayaan | 7-12 maalmood | 3-7 maalmood | Kiisaska fudud:- 2 asbuuc. Xanuunka daran ama adag: 3-6 todobaad. |
Ma waxaan iska baaraa Coronavirus haddii aan dareemo qandho aad u sarreysa, qufac iyo neefta oo adag? Mise laygu samayn karaa baaritaanka coronavirus kaliya si aan isku qanciyo?
Maya.
Baaritaanka coronavirus waxa kaliya la samayn doonaa marka ay dhakhaatiirtu ku taliyaan, kaliya haddii uu qof galo qeexitaanka “Kiis laga shakiyay”.
Qofka uu coronavirus ku dhaco si dhammaystiran ma uga bug- soon karaa, mase noqon karaa mid aan sii faafineynin?
Haa
Xaqiiqatan, qiyaastii 80% dadkii uu ku dhacay way ka soo kabsadeen xanuunka iyagoo aan u baahan daawayn gaar ah.
Fayraska corona mala daawayn karaa?
Haa
Wali ma jirto daawayn gaar ah ama tallaal la heli karo oo loogu tala galay Coronavirus.
Daryeel dawo ee qofka la siinayo ayaa ah mid la xiriirta hadba astaanta lagu arko, waxayna noqotay tallaabo wax- tar leh.
Cunitaanka toontu ma ka hortegi kartaa Fayraska coronavirus?
Ma jiraan caddaymo ku salaysan cilmiga oo muujinaya awoodda ay toontu u leedahay ka-hortagga Fayraska coronavirus.
Muddo intee la eg ayuu Coronavirus ku noolaan karaa walxaha dushooda?
8 ilaa 10 saacadood ayuu Coronavirus ku noolaan karaa sagxadaha sida waraaqadaha, alwaaxyada, kartoonnada, is- buunyada iyo dharka. Waxayse intaa in ka badan ku dul- noolaan kartaa muraayadda, bacaha, biraha, iwm.
Si qofka uu uga taxaddaro xannuunka Coronavirus, maxay tahay inuu wajiga ku xirto?
Waji-xire mar-isticmaalka ah ee qalliinnada lagu galo ee 3da is kor saaran, oo ku wanaagsan xaddidista Fayraska Corona.
Noocyada waji-jirka N-95 ama N-99 ma aha kuwo waajib ah inaad heysato.
Suulinta Fikradaha Qaldan
1. Fayraska ma ku fidaa dhulka kulul?
Dadka qaar ayaa aaminsan in Fayraska Korona uusan ku faafi kareyn dhulalka cimiladoodu kulushahay sida Soomaaliya oo kale. Fikridani maaha mid dhab ah. Fayrsaka waxaa uu ku fiday wadamo tiro badan oo cimilo kulul sida Soomaaliya lafteeda , Kenya iyo Ethiopia.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
2. Cudurka dadka aana Muslimka ahayn kaliya miyuu ku dhacaa?
Dadka qaar ayaa aaminsan in Fayraksa Kornona uu aafeeyo oo kaliya dadka ajinabiga oo uusan soomaalida ku dhicin ama dadka Muslimiinta. Tani dhab maaha. Waxaa cudurka laga helay dad ku dhaqan Soomaaliya, waxaa kaloo uu cudurka haleelay Soomaali tira badan oo dibadaha ku dhaqan oo qaarkood u dhintay. Hadii aysan istakoorin ama guryahoodu ku ekaan dadka qaba cudurka waxaa dhici karta in Soomaali badan uu ku fido cudurkaasi.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
3. Fayraska ma waxuu aafeeyay kaliya dadka Shiinaha?
Dadka qaarkii ayaa aaminsan in Fayraksa laga helo oo kiliya goobaha ay ku badanyihiin dadka u dhashay wadanka Shiinaha oo kaliya. Tani dhab maaha. Inkastoo cudurka uu ka biloowday wadanka Shiinaha waxaa haatan qabo dad ka badan dadka Shiinaha ah oo aan iyagu u dhalan wadankaasi. Cudurka adduunka oo dhan ayuu ku baahay waxuuna asiibay dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee koonka ku dhaqan.
Tiro Soomaali ah oo ku noolaa qurbaha ayaa u dhimatay Fayraska Korona.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
4. Cudurka dadka waaweyn kaliya miyuu ku dhacaa?
Dadka qarkii ayaa aaminsan in dadka da’da ah oo kaliya uu haleelo cudurka. Tani dhab ma’aha. Inkastoo dadka da’da iyo kuwa qabo cudurada ah sida neefta, macaanka iyo cudurada wadnaha ay halis ugu jiraan iney u geeriyoodaan cudurka hadana waxaa uu cudurka haleelay dad da’ yar iyo ku da’ weynba iyagoo kuwa dhalin yar ay u geeriyoodeenba Fayraska.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
5. Ma waxaa jira cunnooyiin ama cabitaano gaar ah oo loo cuno Cudurka?
Dadka qaarkii ayaa aaminsan in la cuno cunooyinka qaarkood ama la cabo cabitaanada qaarkooda ama vitamiinada ay uga gaashaman karaan cudurka ama ku dawoobi karayaan marka uu haleelo Fayraska. Tani dhab maaha. Cudurka Fayraska Korona malaha wax daawo ah ilaa iyo haatan.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
6. Kaneecada ma gudbisaa Fayraska?
Kaneecadu ma gudbiso ama faafiso Cudurka Korona. Cudurku waxaa inta badan uu ku faafaa candhuufta ama diifka qofka qabo oo uu neefsado ama taabto qof kale.
Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
7. Daawada Antibayootiga ma lagu daawen karaa Fayraska?
Dawooyinka lagu daweeyo cudurdhaliyaha baktiiriyada ee lagu magacaabo antibiyootika ma daweyaan coronavirus. dawooyinkaasi waxa ay daweeyaan cudurada ka dhaso baktiirad. Cudurka Korona ee loo yaqaano COVID-19 waxaa dhaliyo Fayras ee maaha baktiiriya sidaasi awgeed maaha in loo isticmaalo daweeyntiisa antibiyootika.
Habka ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.
3da xaraf (i) ee la iskaga ilaalin karo Coronavirus?
ILAALI naftaada
Mar waliba gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo badan
Diyaarso maaddooyinka aalkolada leh ee nadaafadda, marka aanad heli karin biyo iyo saabuun.
Gacmahaaga oo wasaq ah ha ku taabanin sankaaga, afkaaga iyo indhahaaga.
Hal mitir ka fogow qofka qufacaaya ama hindhisaaya.
Marka aad qof salaameyso ha is taabanina si aydan jeer- miska u kala qaadin. In gacmaha la isku haatiyo ayaa kugu filan.
ILAALI dadka aad jeceshahay
Hakuqufacinamakuhindhisingacmahaaga.Waxaadisticmaashaatiish isla markaana ku tuur meel ku habboon, ama waxaad ku hindhistaa xa- gasha xusulkaaga.
Hasafrinamahatagingoobahalaisuguyimaadohaddiiaadxannuunsan tahay.
Wajiga xiro haddii aad qabto xanuunka ama aad daryeeleyso qof qaba
ILAALI bulshadaada
Haddii aad xanuunsan tahay, dhaqtarka kuugu dhaw la xiriir
Haddiiaadqandheysantahay,qufaceysid,amaneefsigauukudhibaayo gurigaaga ha ka bixin. Waxaad la xiriirtaa xirfadlayaasha caafimaad ee kuugu dhaw, taladoodana raac.
Ha faafinin farriin kasta oo lagu soo gaarsiiyo. Keliya sii gudbi warbix- inada la hubo ee kaa soo gaara khubarrada caafimaad.
Qirid
Dhamaan wacaalka iyo lambarrada waa la cusboonaysiiyey 2024-12-09 06:36:36.
Afeef: Qaybtan waxaa loogu tala galay wargelin oo qura, beddel uma noqonay¬- so talada dhakhtarka ama talo kasta oo uu bixiyo xirfadle caafimaad.
Walxaha ku qoran buug-yarahaan waxaa asliyan lasoo dhigay 1mg Website, waxaana iska kaashaday oo af-Soomaali ku turjumay Impact Solutions, waxaa- na xogta hubiyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Plasma.
Wixii xog ah dheeraad oo ku saabsan COVID-19 fadlan la soco farriimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federaalka.
Source: Impact Solutions & Plasma University
Barta Facebook-ga
This message is only visible to admins:
Problem displaying Facebook posts.
Type: OAuthException
Code: 190
Subcode: 458