3 aragti oo ku saabsan saameynta COVID-19 ku yeeshay nolasha dadka Soomaaliyeed

Dadkii ku guuleystay Tartankii Muuqaal-sameynta ayaa innooga warramay sida uu Fayraska u saameeyay qoyskooda iyo bulshada.

Tartanka Kahortagga cudurka COVID-19 ee hay’adda UNDP waxaa ka soo qeyb galay dad ka kala yimid dhammaan dalka Soomaaliya. Kuwii ku guuleystay ayaan weydiinay sida uu Fayraska u saameeyay. Si wada jir ah ayey kusoo gudbiyeen seddex qaab oo kala duwan oo ku tusaya nolosha caadiga ah ee Soomaalida xilliga xayiraadda lagu jiro.

Cabdijabar Daahir, Arday jooga magaalada Qardho

Maalin kadib markii kiiskii ugu horeeyay ee Fayraska Corona laga helay Soomaaliya 16-kii bisha Maarso, dowladda waxay xirtay iskuulada taasoo qeyb ka ahayd tallabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayey faafidda Fayraska.

 “Xiritaanka iskuulka iyo bandowgii la soo rogay waxay ila ahayd sida in xabsi la igu xukumay,” ayuu yiri Cabdijabar Daahir, 11-jir ah oo ku nool magaalada Qardho, Puntland. “Waxay noola muuqatay in xabsi-guri nalagu xiray maadama aan naloo ogolaanin in aan habayaraatee banaanka u baxno.”

Carruur badan oo xaafadda deggan ayaa iska sii watay inay banaanka ku cayaaraan balse Daahir iyo qoyskooda guriga ayey joogeen si ay cudurka uga  ilaaliyaan ayeeyadood.

Cabdijabar iyo walaashiis ka weyn, Saynab, waxay la yimaadeen qaab hal-abuur leh oo ay uga gudbaan xaaladda jirta: Waxay daaradda gurigooda dhexdiisa ka sameysteen iskuul iyo goob lagu cayaaro.

 “Kolki hore ma sahlaneyn,” ayey tiri Saynab. “Maalmuhu aad bey u dheeraayeen marka waxay ahayd inaan si hal-abuur leh u isticmaalno awoodeena iyo waqtigeena oo aan wax ka barano cudurka COVID-19 iyo sida la isaga ilaalin karo.”

Iyagu waqti uu kaga haboonaa ma jirin goorta uu ku soo beegmay shaacinta Tartanka haya’adda UNDP ee Kahortagga cudurka COVID-19. Si wada jir ah ayey u soo saareen muuqaal qurux badan oo ka hadlaya sida la isaga ilaalin karo cudurka iyo sidoo kale qaabka guriga loogu sameynsan karo gafuur-xir.

 “Waxay ahayd khibrad aad u wanaagsan,” ayuu yiri Cabdijabar. “Waligey muddo intaan la eg guriga kuma aan nagaanin balse hadda waan la qabsaday. Wax walba guriga ayaan ku sameynaa  sida waxbarashada, Qur’aanka iyo inaan guirga dhexdiisa ku cayaarno kubadda cagta.”

Sheekadooda gaarka ah iyo sida ay caqabadihii xayiraadda ugu badaleen muddo ay wax ku bartaaan gurigooda ayaa sababtay inay ku guuleystaan abaalmarinta darajada koowaad ee $1,000, iyagoo ka guulestay in ka badan 20 tartamayaal oo ka kala yimid gudaha dalka.

 “Wali waan aamini la’ahay inaan ku guuleysannay tartanka,” ayuu yiri Daahir. “Dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa inoo hambalyeeyay, waana ku faraxsannahay inaan ka qeyb qaadanno ololaha la dagaallanka cudurka Corona. Insha Allaah goor dhow ayaan ku laaban doonnaa iskuulada iyo nolosheeni caadiga ahayd. “

Maxamed Xassan, u ololeeya dadka, Muqdisho

Nolosha dadka naafada ah ee Soomaaliya kolki horeba ma aysan fududeyn. Badanaa goobaha dadweynaha malahan agab kaalmeynaya dadka naafada ah, takoorkuna aad ayuu u baahsanyahay. Marka caqabadaha cusub ee uu cudurka COVID-19 keenay waxay sii adkeeyeen xaaladdii marki horeba adkayd.

 “Meelo aad u kooban ayaa u diyaarsan dadka naafada ah dalkeena, marka dadka naafada noloshooda maalinlaha waxay ku xirantahay dadka kale,” ayuu yiri Maxamed Xassan oo ku nool Muqdisho kaasoo filimkiisii ka hadlayey sida aan dheelli-tirka ahayn ee Fayraska u saameeyay dadka naafada ah, kuna guulestay kaalinta seddaxaad ee Tartanka Muuqaal-Sameynta ee haya’dda UNDP.

 “Ardayda naafada ah ma haystaan qalab ay qadka wax uga bartaan ama ay ula socdaan warbixinnadii ugu dambeeyay ee cudurka COVID-19 marka waxay halkaa ku seegayaan fariimo caafimaad oo muhiim ah.

 “Tani waa inay baraarug u noqotaa dowladda iyo qof walba oo madax ah si dadka naafada ah loogu helo siyaasado aan kala-sooc lahayn oo nolosha dadka naafada fududeyneysa.”

Xassan Madar, Wariye jooga Gaalkacyo

Wariyaasha sida Xassan Madar ee ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa aad ugu adkaatay tabinta xaaladda cudurka safmarka ah. Wuxuu safka hore kaga jiraa soo gudbinta wararka la xiriira Fayraska asagoo islmarkaana iska ilaalinayaa inuu isaga iyo qosykiisa cudurka saameeyo.

Si uu u muujiyo muhiimadda ay leedahay kala-fogaanshaha ayuu Madar iyo saaxibadiisa u soo saareen filim ay kaga hadlayaan lamaane arooskooda u baajiyay si ay isaga ilaaliyaan in Fayraska ku faafo qoskooda iyo asxaabtooda. Waxayna ku guuleysteen darajada labaad ee Tartanka hay’adda UNDP.

Madar ayaa sheegay in uu ka xunyahay sida ay dadka cudurka u dhayalsanayaan. “Maalin walba dhageystaasheeena su’aalaha ayna weydiiyaan waxay la xiriiraan fayraska Corona. Balse marka aad suuqyada tagtid waxaad arkaysaa dadkii oo aad mooddo in aysan waligood maqal cudurkan. Marka waa inaan sii wadnaa xusuusinta ilaa ay hab-dhaqankooda wax ka badalayaan.”

Share