Majaajileystaha caanka ah ee Abdiqani Iskufilan iyo kooxdiisa ayaa ka qeyb qaadanayaa ololaha ballaaran ee looga hortagaayo faafida Fayraska Corona ee haya’adda UNDP ka wado Soomaaliya.
Usbuucyadii lasoo dhaafay ayaa Iskufilan iyo kooxdiisa waxay soo saareen muuqaallo taxane ah oo xambaarsan fariimo caafimaad oo muhiim ah.
Fariimahaas oo tilmaamaya halista uu leeyahay cudurka Corona iyo sida looga hortagi karo ayaa waxaa lagu soo gudbiyay qaab qosol iyo maadeysi leh oo aan laga cajiseynin.
“Maskaxda dadka waxa lagu soo jiidani karaa qaab shaaciro iyo madadaalo ah, marka ayagoo qoslaya ayaanu si farsamo leh ugu gudbinnaa fariimaha caafimaadka,” ayuu yiri Iskufilan.
Muuqaallada taxanaha ayaa dhamaan waxay kooxda Jilaayaashu isku dayayeen inay ku adkeeyaan dadka inay raacaan tilmaamaha caafimaadka sida gacmo-dhaqashada iyo kala-fogaanshaha.

Muuqaalki ugu horeeyey ayaa la arkayaa Iskufilan oo wata ul dheer taasoo uu dadka isaga celinayo inay usoo dhowaadaan. Kala-fogaanshaha ayaa ka mid ah dhaqannada aadka ugu adag dadka inay ilaaliyaan.
Muuqaallada ugu xiisaha badan oo ay soo wadaan waxaa ka mid ah filin gaaban oo ay ka sameeyeen Geela iyo Fayraska Corona.
“Maadaama ay Soomaalidu jeceshahay Geela waxaan rabnaa inaan ku soo jiidanno dareenkooda oo ay si fiican u qaataan talooyiinka caafimaadka. Jilitaanka Geela la adeegsado inagaa ugu horeynay wax sameeya marka waxaan rajeynayaa in fariinta la gaadhsiiyo dadka xoolo-dhaqatada ah iyo kuwa reer miyiga si ay iyaguna uga foojigaadaan halista uu leeyahay cudurka Corona,” ayuu yiri Iskufilan.