Muuqallaalkii majaajillada ugu dambeeyay ee hay’adda UNDP ayaa dadka ku dhiira-galinaya in ay xirtaan af-daboolka iyo inay isaga qoslaan fuquuqa ka dhanka ah xirashada af-daboolka.
Maadaama uu dalkii ku jiro xaaladda cudurka safmareenka ah, dadku waxay billaabeen in ay xirtaan Af-daboolka balse waxay la kulmayaan dacaayad iyo fuquuq la xiriira xirashada af-daboolka.
Qeybtii ugu dambaysay ee taxanaha muuqaallada Majaajillada ah ee hay’adda UNDP kala shaqeysay qaar ka mid ah majaajillayaasha ugu caansan Soomaaliya ayaa sameeyay wacyi-gelin ku saabsan qaabka ay dadku isaga ilaalin karaan cudurka, waxuuna ku saabsanyahay suulinta fikradaha qaldan ee laga aaminsanyahay xirashada af-daboolka iyo in dadka lagu dhiira-geliyo dhaqanka xirashada af-daboolka.
“Soomaaliya, Af-daboolku wuxuu la mataano noqday cudurka Corona,” ayuu yiri majaajilistaha caanka ah ee Cabdiraxmaan Heello. “Caadi ayey noqotay in dadku ay indhaha kala rogaan markay arkaan qof af-daboolka xiran.”
Muuqaalkan cusub oo ay isbuucaan barta Facebook-ga ka daawadeen in kabadan 150,000 oo qof, ayaa majaajilistaha Heello la arkayaa isagoo dhex socda suuqa, oo xiran af-dabool, dadkuna ay waddada uga leexanayaan. Xitaa saaxibkiisa ayaa dib uga boodaya isagoo weydiinaya “Maxaad cudurka Corona afka ugu sidataa?”
Isagoo la fajacsan falcelinta saaxibkii ayuu Heello u sheegayaa inuusan xanuunsanayn kadibna u sharaxayaa muhiimadda ay leedahay xirashada af-daboolka.
Dad badan oo ku nool dalalka hadda soo koraya waxay ku qasbanyihiin inay dibadda u baxaan maalin walba si ay u quudiyaan qoysaskooda, marka waxaa ku adkaaneysa inay kala fogaadaan, waxaa hadaba muhiim noqonaysa in lagu dadaallo siyaabaha kale oo looga hortagi karo faafidda cudurka (Halkan ka aqriso falanqayn cusub iyo baaq ay hay’adda UNDP ka soo saartay in dadka ugu saboolsan adduunka la siiyo taakullo kumeel-gaar ah oo ay kaga baxaan dhibaatada cudurka Corona)
Sida dalal badan oo adduunka laga ogaaday, xirashada af-daboolka ayaa kamida siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu xakamayn karo cudurka COVID-19, iyadoo dadku ay wataan nolol-maalmeedkooda. Balse fikradaha qaldan ee laga aaminsanyahay af-daboolka oo aad u baahsan dartateed ayaa ku kallifaysa xitaa dadkii garanaye faa’iidada af-daboolka ayaa ka fiirsado inta aysan xiran ka hor.
“Haddii aad af-daboolka ku xiratid banaanka, waxaad noqoneysa mid dadka ka takooran oo xitaa saaxibadaa ayaa kuu arkaya nacas,” ayuu yiri Heello. “Laakiin waa in aanan ceeb u arkin sameynta ficilka saxda ah, waa inaan dadkeena wax barnaa.”
Marka laga soo tago soo saaridda muuqaalka majaajillada, hay’adda UNDP waxay sidoo kale la shaqeysay bahda KALA-MAAN, oo ka mid ah barnaamijyada loogu dhageysiga badan yahay Soomaaliya, si ay farriinta caafimaadka dad badan u gaarsiiso.
Kooxda KALA-MAAN ayaa qaab tallantaali ah iyo gabayo isugu jira
ayaa ruwaayad afar daqiiqo soconeysa waxay ku sharxayaan sababaha ay dadku aysan u jecleyn xirashada af-daboolka, iyagoo isla markaana ku dhiira-gelinaya dadku inay raacaan talada dowladda iyo hay’adaha caafimaadka.
“KALA-MAAN waa barnaamijkeena ugu xiisaha badan, waxaa daadihiya majaajilistayaal caan ah, jilaayaal iyo abwaanno,” ayuu yiri Burhaan Diini Faarax, Agaasimaha Idaacada Kulmiye.
“Waxay ku hadlaan lahjadaha kala duwan ee looga hadlo dhammaan Soomaaliya, waxay garanayaan dhaqanka kala duwan ee Soomaalida marka qof walba oo Soomaali ah ayaa fahmi kara waxay ka hadlayaan. Waxa lagu yaqaanaa inay qaab madadaallo iyo qosol leh ku soo gudbiyaan farriimo muhiim ah.”
Warbixinadii ugu dambeeyay ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo ku tusaya goorta ama qaabka saxda ah ee loo xirto af-daboolka, halkan kala soco.
Sharaxaad af-Soomaali ah oo qaabka loo sameysto af-daboolka adigoo isticmaalaya waxyaabo fudud oo aad heli kartid halkan kala soco, iyo halkan ama halkan.