Naciima Abwaan Qorane oo ah Gabyaa u ololeysa Nabadda ayaa ka mid noqotay Taageerayaasha sare ee Ololaha Wacygelinta Kahortaga Fayraska Corona ee hay’adda UNDP ka wado Soomaaliya.
Naciima oo kaashaneysa hay’adda UNDP ayaa waxay soo saartay Gabay xiiso leh oo ay uga hadleyso saameynta uu leeyahay cudurka Corona iyo sida looga hortagi karo.
“Sharaf bey ii tahay in aan haya’adda UNDP kala shaqeeyo soo saaridda gabaygan,” ayey tiri Naciima. “ Mar walba waxaan diyaar u ahay in aan ka qeyb qaato wax walba oo dadkayga wax loogu qabanaayo,”
Tixda ayaa ugu horeyn qeexeysa sida uu Fayrasku u jahawareeriyay wadamada waaweyn ee Yurub iyo Mareykanka iyo kuwa Aasiya. Taasoo tusaale u noqoneysa halista ay ku jirto Soomaaliya oo aad u tabar yar.
Gabaygan oo si heersare loo duubay ayaa waxaa maqal iyo muuqaal dadku kaga boganayaan tusaalaha qaabka loo xirto Af-gashiga (maaskiga) iyo Gacmo gashiga (galoofiskha) iyo sidoo kale gacmo dhaqashada.
Maadaama soomaalidu ay tahay buslho ku xeel dheer Suugaanta, ayna aad u xiiseyso gabayada, waxaa la aaminsanyahay in fariintan caafimaad ay dad badani wax ka faa’iidi doonaan.
“Tixdaan waxaan usoo diyaariyay qaab dadka weyn iyo dhalinyaraduba ay u fahmi karaan. Waxaana rajaynayaa in fariinta uu xambaarsanyahay ay anfici doonto bulsho weynta Soomaaliyeed,” ayey tiri Naciima.
Ilaa inta uu bilowday faafida cudurka Corona ayaa hay’adda UNDP waxay dowladda Soomaaliya kala shaqeyneysay Olole ballaaran oo looga hortagaayo faafida cudurka Corona.