Soomaaliya: 21 qof ayuu cudurka Coronavirus ku dhacay dalka oo dhan

War saxaafadeedki ugu dambeeyay oo ay maanta soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa lagu sheegay in tirada dadka cudurka fayraska Corona uu ku dhacay ay gaartay 21 qof wadanka oo dhan.

Hoos ka aqriso warbixinta oo warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.”

Warbixintan waxaa lagu daabacay bogga rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay barta Facebook-ga. https://www.facebook.com/WasaaraddaCaafimaadkaSoomaaliya/photos/a.667863630003492/2695676787222156/?type=3&theater

Share