Warbixinti ugu dambeeyay oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa lagu sheegay in tirada dadka cudurka fayraska Corona uu ku dhacay ay gaartay 286 qof wadanka oo dhan.
Tani waxay cadayn u tahay in cudurka uu bulshada dhexdeeda ku sii faafaayo. Xaaladu wey sii adkaaneysaa, waa laga soo tagay xilligi la eedeyn laha dad dibadda ka yimid. Cudurka Soomaaliya ayuu ku sii faafay ee waa inaan ka hortagnaa.
Dawo malahan balse waa laga hortagi karaa. Ka qeyb qaado la dagaalanka cudurka COVID19 adigoo guirgaaga ku ekaanaayo bulshadana ka wacyi-galinaayo qatarta Fayraska.