‘Waxaan ka mid ahay bukaannada qaba coronavirus ee ku jira isbitaalka Martiini’

Nin dhalinyaro ah, oo ka mid ah bukaannada qaba xanuunka coronavirus ayaa ka warramaya waxa ka socda gudaha isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu sheegay inuu si iskiis ah u atgay markii uu isaga shakiyay cudurka.

Bashiir Qaasim Maxamed, sheegay in markii hore uu isbitaallo kale tagay, laakiin ugu dambeyntii uu go’aansaday inuu lugihiisa ku tago Martiini.

“Xanuunkan wuxuu igu dhacay anigoo jooga goobteyda shaqada, waxaan dareemay hargab yar, waxaan u maleynayay inuu caadi iska yahay, gurigeyga ayaan iska joogay, waxaan iska ilaalinayay inaan xiriir toos ah la sameeyo dadka. Laakiin markii dambe xaaladdeydu way kasoo dartay – ilaa ay neefsashada igu adkaatay – isbitaallo kale ayaan tagay si aan xanuunno kale isaga baaro, markii cudur kale la iga waayayna waxaan ku dhiirraday inaan imaado isbitaalka Martiini,” ayuu yiri Bashiir.

Wuxuu sheegay in dhakhaatiiru “ay si fiican ula dhaqmeen”, haddana ay xaaladdiisa caafimaad soo hagaagtay.

“Ilaa inta ay soo baxeysay natiijada baaritaanka cudurka waxaa la iila tacaalayay si aan maskaxdeyda waxba u dhimeynin, markii la xaqiijiyay inaan Covid-19 qabo waxaa la ii gudbiyay qeyb kale oo lagu daweeyo dadka la xanuunsan cudurka, halkaasna daryeel dhammeystiran ayaan ka helay. Hadda waxaan dareemayaa caafimaad buuxa, waxaa la ii sheegay in baaritaan kale la igu sameyn doono, maalmo kaliyana ay iiga harsan yihiin waqtiga aan isbitaalka joogayo,” ayuu yiri.

Bashiir ayaa sheegay inuu hadda ka caafimaaday xanuunka

Tan iyo markii uu Fayraska Corona saameeyay Soomaaliya, Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xakameyn lahayd cudurka.

Isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmarka ah ayaa la geeyay qalab caafimaad oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka la il daran xanuunka.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, sida uu sheegay la taliyaha nidaamka caafimaadka ee dowladda Soomaaliya, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed.

“Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha isbitaalka ka howl gala waxay isgu jiraan kuwo leh takhasusyada loo baahan yahay in lagu maareeyo xanuunnada faafa iyo kuwo cudurrada guud ah. Waxaa la dhammeystiray oo shaqo billaabay 20 sariir oo ku ICU-da ah, waxaana loogu talagalay in lagu daryeelo dadka ay xaaladahooda aadka u adag yihiin. Sariirahaas waxay leeyihiin guud ahaan qalabka loo baahan yahay sida mashiinnada neefsashada caawiya ee loo yaqaanno ventilators-ka,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

La taliyaha Nidaamka Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya wuxuu dhinaca kale faahfaahiyay sida ay tahay xaaladda bukaannada isbitaalka ku jira iyo dadka ilaa hadda u dhintay Covid-19.

“Bukaannadii la qabtay ee la seexiyay waxaa naga geeriyooday saddex qof, sidoo kale wuxuu isbitaalka diiwaan galiyay 10 qof oo kale oo dhintay markii isbitaalka la keenay, kuwaasoo iyagoo meyd ah la keenay, oo gawaarida ambalaasta kusoo dhintay qaarkoodna markii la keenay ay horay ka dhinteen, tiradaasna waxaa la diiwaan galiyay laga soo billaabo 13-kii bisha April ilaa maanta”, ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in isbitaalka uu “culeys weyn ka dareemayo dadka loo soo gudbiyo oo aad u badan.

“Maadaama uu batay walaaca xanuunka Covid-19, dad badan oo xaalad adag maraya ama kuwo miyir daboolan oo koomo ku jira ayaa isbitaallada kale laga soo gudbiyaa, waxaana aad igu daynaa in la maareeyo”.

Isbitaalka ayaa lagu shaqo billaabay 16-kii bishii March, 2020-ka, waxaana ilaa hadda lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, sida ay dowladda sheegtay.

Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ku boorriyay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah cudurka ayna u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ee ay ka mid tahay kala fogaanshaha bulshada.

Xaaladdii ugu dambeysay ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka bariga Afrika ee uu saameynta ballaaran ku yeeshay xanuunka faraha ba’an ku haya guud ahaan dunida ee Covid-19.

Sida ay xaqiisisay Wasaaradda Xaafimaadka ee Dowladda Federaalka, tirada cuud ee uu xanuunka ku haleelay Soomaaliya waa 328.

Dadka ilaa hadda Soomaaliya ugu dhintay coronavirus ayaa gaaraya 16 ruux.

8 qof ayaa ka caafimaadday xanuunka.

Xuquuqda maqaalkan waxaa iska leh BBC-Somali oo aan ka so qaadanay. https://www.bbc.com/somali/war-52399167

Share