15 June 2020, Mogadishu- Waxaa maanta la shaaciyay dadkii ku guuleystay Tartankii labada billood socday oo loogu tala galay muuqaal-sameynta wacyi-gelinta cudurka Covid19. Abaalmarinta kowaad oo ahayd lacag $1,000 ah waxaa la guddoonsiiyay muuqaal ay soo saareen wiil arday da’yar ah iyo walaashiis oo ku nool magaalada Qardho ee Puntland.
Cabdijabar Daahir iyo walaashiis Saynab Daahir ayaa sameeyay muuqaalkan iyagoo ku xayiran gurigooda kadib markii dugsiyada loo xiray cudurka Covid19 dartiisa. Halka ay caruurta kale banaanka ugu tagi lahaayeen, uguna keeni lahaayeen fayraska waalidkooda guriga, ayaa waxay go’aansadeen inay sameeyaan muuqaalkan si ay caruurta kale u baraan qaabka ay naftooda u badbaadin lahaayeen.
“Waan ku faraxsannahay in aan ku guuleysanno Tartanka,” ayey tiri Saynab. “Tani waxay ku tuseysaa awoodda ay leedahay in la wadaago sheekada, gaar ahaan marka ay ka timaaddo dhanka caruurta. Aad baan ugu faraxsannahay sida wanaagsan uu walaalkay iga yar uu bulshada wax uga baray cudurka Covid19.”
Tartanka waxaa soo qabanqaabiyay Haya’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) si loogu dhiira-galiyo qof walba inuu istcimaalo xirfaddiisa si uu u gudbiyo fariinta Covid19 ee saxda ah, dalka iyo dibaddisaba.
Tartamayaasha waxaa laga dalbaday in ay soo diraan muuqaal yar oo tusinaya qaabka la isaga ilaaliyo cudurka Covid19, iyagoo isticmaalaya warbixinnadii ugu dambeeyay ee lagu soo daabacay websaydhkii ugu horreeyay ee af-soomaali ku qoran oo loogu tala galay cudurka Covid19: www.kahortagakorona.gov.so
In ka badan 20 muuqaallo ah ayaa laga soo diray gudaha Soomaaliya. Waxaa soo xulay dad caan ah oo ay ka mid yihiin Farshaxanniistaha Amin Camir, Heesaaga Aar maanta iyo Gabyaaga Naciima Abwaan Qorane. Waxaa lagu qiimeeyay xulitaanta hadba inta qof oo daawatay iyo inta sii faafisay iyo hab-sammida sameynta muuqaalka.
“Waan ka helay hal-abuurka iyo dhiirrannaanta ku jirta dhalinyarada kasoo qeyb gashay Tartanka,” ayey tiri Naciima Abwaan Qorane. “Inkastoo hadda Tartanku dhammaaday, dad badan ayaa daawanaya oo ka faa’iidaya farriimaha ay xambaarsanyihiin muuqaallada. Waxaa sidoo kale dhanka baraha bulshada ka dhashay wadahadal muhiim ah, waana in aan sii wadnaa illaa aynu ka adkaanno Fayraska,”
“Wey ku mahadsanyihiin dadka kasoo qeyb galay Tartanka, waxaa boggeenna Facebook-ga kaliya ka daawaday ku dhowaad hal milyan oo qof, hay’adda UNDP waxay farriin caafimaad oo ku saabsan Covid19 gaarsiisay dad badan,” ayuu yiri Jocelyn Mason, Wakiilka Hay’adda UNDP u fadhiya Soomaaliya. “Garsoorayaasheenna wanaagsan ayaa naga caawiyay in farriinta ay horey usii faafiyaan waana kaga mahad-celineynaa taageerrada ay ina siiyeen guud ahaan.”
Shaqsiga ku guuleystay abaalmarinta koowaad oo ah $1,000 waxuu ahaa wiil da’yar iyo walaalihiis, kuwaasoo sameeyay muuqaal ay ku tusinayaan qaabka ay dadka isaga ilaalin karaan Fayraska, sida gacmaha oo lagu dhaqo saabuun ilaa muddo 20 ilbiriqsi ah. Sidoo kale muuqaalkooda waxuu dadka baray sida guriga loogu sameysto waji-xidhka.
Abaalmarinta labaad oo ahayd $500 waxaa ku guuleystay muuqaal ka sheekeynayay lammaane guurkooda u baajiyay fayraska Corona dartiisa. Midka seddexaad oo ahayd $300 waxaa ku guuleystay muuqaal ka hadlayay sida uu Fayraska u saameeyo dadka naafada ah.
Wixii faafaahin dheeri ah:
Rob Few, Madaxa Xiriirka, UNDP Somalia:
robert.few@undp.org +252 61 41 25046
Ilyas Ahmed, Falanqeeye Warbaahineed, UNDP Somalia: ilyas.abukar@undp.org
Ku saaabsan UNDP Somalia
UNDP waxay hoggaamineysa Qaramada Midoobay sidii loo cirib-tiri lahaa caddaalad-darrada saboolnimada, sinnaan la’aanta, iyo isbedelka cimilada. Annagoo la shaqaynayna shabakad ballaaran oo isugu jirta khuburo iyo saaxiibo ku sugan 170 dal, waxaan ku caawinaynaa waddamada in la hormariyo loona helo xalal waara oo midaysan dadka iyo dunidaba. Faafaahin dheeri ah kala soco www.so.undp.org ama @UNDPSomalia (Twitter) iyo @undpsom (Facebook).